Fanaanka Bisle Xasan Oo Muuqaal Aad Qurux Badan Ka Sameeyay Heesta Qorshe Daawoa +(video-ga)

Tuesday 18 December 20120 comments

Fanaanka da'da yar ee Maalmahaan Danbe Fanka Soomaaliyeed Soo Ifiyay Bisle Xasan ayaa soo saaray muuqaalka heesta 'Qorshe' oo ah hees jeceyl ah, erayada heesta  waxaa sameeyay abwaan Qadar Gaas, halka laxanka iyo codka uu saaray Al Fanaan BiLse, Musiga macaana waxaa u qaabiyeey Caynba Cayn.

Fanaanka Bisle ayaa ku raaxeystay heesta si wanaagsana uu muuqeeda usoo saaray waxaana fanaanka laga dareemaayay marka uu erayada heesta ku luqeynayo in ay saameyn ku leedahay isaga, laakiin wuxuu ka dhawaajiyay Bilse Xasan inaan heestu isaga quseyn.

Fanaankaan ayaa dar dar lasoo galay fanka wuxuuna soo saaray dhowr hees oo ay ugu dambeyso heestaan Qorshe oo muuqaalkeeda si wanaagsan loo habeeyay.

Bisle Xasan ayaa la dhihi karaa waa fanaan mustaqbal fiican ku leh fanka Soomaaliya hadii uu sidaan kusii socdo.









______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved