Daawo Sawirada Maalinka Xuska Dameeraha Oo Muqdisho Lagu Qabtay Iyo Shahaado Sharaf Dameer La Gudoonsiiyay (Sawiro + Warbixin)

Monday 17 December 20120 comments



Magaalada Muqdisho waxaa Maalintii shalay lagu qabtay dabaaldaga Xuska maalin la sheegay in lee asteeyay Dameerada kaa oo lagu qabtay Mid kamid ah Hoteelada ugu qaalisan Magaalada Muqdisho.

Xafladan lagu xusayay Maalinta Dameerada waxaa kasoo qeyb galay Dadweyne kala duwan ay kujiraan aqoonyahano ,dhalinyaro abwaano kuwaa oo inta badan ku dheeraaday ka hadlida Maalinta loo asteeyay Dameerada.

Munaasabada Xuska Maalinta Dmaeerada ee loo asteeyay 16-12-2012 waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Ururka soo qaban qaabiyay Xafladan oo lagu Magacaabo Bashiir C/laahi Yuusuf kaa oo sheegay in muhiim tahay in la xuso maalintan lana dhooro Xaquuqda dameeraha lagana yareeyo rarka badan ee lagu Qaado.

Waxaan Goobta xaflada ka dhaceysay lagu soo bandhigay Dameer si aad ah loo soo xardhay kaa oo la gudoonsiiyay shahaado sharaf ,iyadooan Xuskan oo ah mid kucusub dhagaha umada Soomaaliyeed ay aad ula yaabeen
 in Maalin gaar ah Dameerada loo asteeyo Xusna

                 Daawo Sawirada








______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved