Masar oo Sheegtay Xabbad-joojin Qasa

Wednesday 21 November 20120 comments


Madaxweynaha Masar Maxamed Morsi ayaa sheegay in wax uu ugu yeeray gardarrada Yahuuda ee Qasa inay dhamaan doonto maanta gelinka dambe.

Xukuumadda Qaahira ayaa isku dayaysa inay xabbad-joojin dhex dhigto labada dhinac Yahuuda iyo Xamaas.

 Weerarada duqeynta ee Yahuuda ay ku heyso magaalada Qasa ayaa dilay ugu yaraan 105 Falastiniyiin ah, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan xamaas, iyadoo gantaallada Xamaas ee Yahuuda lagu tuurayana ay sii socdaan.

Golaha wasiirada ee Yahuuda ayaa waxa ay ka wada hadleen mustaqbalka hawlgalka militeri ee Marinka Qasa kadib lix maalmood oo dagaal uu ka socday.

Wasiirada ayaa la sheegayaa inay ka fakirayaan xabbad-joojin ay soo bandhigtay dowladda Masar.

Saraakiil yahuudi ah ayaa laga soo xigtay iyaga oo sheegaya in hawlgal kasta oo dhinaca dhulka ah la hakiyay inta ay socdaan wada hadalka xabbad-joojinta.

Madaxweyne Obama ayaa la hadlay Raiisul Wasaaraha Yahuuda, Benjamin Netanyahu, iyo Madaxweyne Maxamed Mursiga Masar.

Yahuuda iyo Xamaas ayaa labaduba waxa ay shuruudo ku xireen xabbad-joojinta.

Xamaas ayaa dalbatay in go'doominta laga qaado Marinka Qasa, halka Yahuuda ay ku adkeysatay in la joojiyo gantaallada laga soo ridayo Qasa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved