Kooxaha Man United v Arsenal Tolow Maxaa Kala Heysta ? Sadaal Ka Bixi Kulankaan Xiisaha Leh.

Friday 2 November 20120 comments


Kooxaha Manchester United iyo Arsenal ayaa berri geesaha isku geli doona garoonka Old Trafford kulan ka tirsan horyaalka Premier League. Waa kulankii labaad oo weyn oo isku xiga oo ay ciyaarto horyaalka kooxda martida loo yahay.
Xafiiltanka labada kooxood ayaa ahaa mid aad u sareeya 20kii sanno ee u danbeysay, iyadoo ay ugu wacan tahay labada macalin ee halyeeyada ah Sir Alex Ferguson iyo Arsene Wenger.
Kulankaan ayaa ku soo aadaya xilli Man United ay ku jirto kaalinta labaad islamarkaana isha ay ku heyso hogaanka horyaalka, halka Arsenal ay ka danbeyso 6 dhibcood iyagoo ku jira kaalinta 6aad ee kala sareynta Premier League.
Labada kooxood ayaa kulmay 215 kulan tartamada oo dhan, kulankoodii ugu danbeeyay ee Old Trafford ayaana ahaa kulankii goolasha ugu badnaa la iska dhaliyay, iyadoo United ay 8-2 kaga badisay Arsenal bishii August 2011.
Kooxda martida ah ayaan sidoo kale ku badinin Old Trafford tan iyo September 2006dii markaasoo 1-0 ay kaga badiyeen United iyadoo goolkaas uu u dhaliyay Emmanuel Adebayor.
Robin van Persie oo ka horimaanaya markii ugu horeysay kooxdiisii hore ee Arsenal ayaa iyadana cusbo kale u sii yeeleysa kulankaan la sugi la’yahay.
Hadaba maxay kula tahay yaa dhinaca dhulka loo dhigi doonaa Arsenal mise Manchester United? Mise waxa ay ku kala bixi doonaan barbaro? Fekerkaaga inoo sheeg adigoo qeybta hoose inoogu soo qoraya islamarkaana ka qeyb qaadanaya codbixinta hoose.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved