112-Qof Ayaa Ku Dhimatay Dab Kakacay Warshad Dhar Oo Ku Taal Wadanka Bangladesh.

Sunday 25 November 20120 comments


Dab ka kacay warshad dharka samaysa oo ku taala magaalada Dhaka ee Bangaladesh ayaa dilay ugu yaraan boqol iyo laba iyo toban qof.
Qaar ka mid ah dadka ayaa dhintay kadib markii ay iska soo tuureen dariishada.

Dab damiyayaasha ayaa shan saacadood la halgamaayay dab daminta. Sababta dhalisay dabka ma cada, laakiin waxaa laga cabsi qabaa inay ka dhalatay cilad koronto.



Warshada ayaa waxaa iskaleh Tazreen Fashion, oo ka mid ah shirkadaha waawayn ee Bangaladesh dharka u sameeya dukaamada reer galbeedka sida Walmart, Carrefour iyo Tesco.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved