Chelsea Vs ManUinted |
Iyadoo xiddigaha waa weyn ee Manchester United ay aamaneen qaab ciyaareedka cusub ee Chelsea iyo isbedelka ku yimid, islamarkaana tababare Sir Alex Ferguson uu isaga laftiisa ku xusay shirkiisii jaraa’id ee jimcihii, hadana waxa uu aaminsan yahay in Blues aysan u xoog badneyn sidii ay ahaan jirtay markii uu hogaaminayay Jose Mourinho.
Chelsea ayaa dad badan oo ay ku jiraan Ryan Giggs iyo Paul Scholes waxa ay u arkaan in qaab ciyaareedkooda uu isbedelay, islamarkaana haatan kubadooda ay ka dhisaan qadka dhexe iyo baas joogt ah.
Laakiin Ferguson ayaysan ka dhaadhacsaneyn in kooxdaan uu haatan dhisay Di Matteo inaysan aheyn mid u xoog badan sida kooxdii uu Stamford Bridge ku dhisan Jose Mourinho.
“Ma dhihi karo kooxdaan waa kooxdii ugu xooganeyd ee Chelsea” ayuu yiri Sir Alex Ferguson sida ay qortay Daily Mail.
“Hadii aad sannado yar dib u laabato, waqtigaas waxaa arki kartay in Didier Dorgba uu ahaa ciyaaryahan aan la celin karin islamarkaana ay adag tahay in laga horyimaado.
“John Terry waa uu da’ yaraa markaas, Frank Lampard 30 gool ayuu khadka dhexe ka dhaliyay hal sanno, marna waxaas oo kale dib uma arki doono. Waxa ay ahaan jireen koox quwad leh, ayna adag tahay in la garaaco.”
Ferguson ayaa isku dayi doona maanta inay guushii ugu horeysay ee Premier League ku gaaraan Stamford Bridge tan iyo 2002dii, inkasyoo xilli ciyaareedkii hore ay barbaro 3-3 ah ku galeen inkastoo seddex gool looga hormaray.
“Markii ugu horeysay ee aan arkay Oscar, Mata iyo Hazard oo u wada ciyaaraya hal koox waxaan u maleynayay inay aheyd riski” ayuu yiri Sir Alex.
“Hadii aad iska qabato seddexda khadka dhexe markaas fursad ayaad heysataa.
“Laakiin dhanka weerarka marka laga hadlaayo, waxa uu heystaan Di Matteo dooqyo kala duwan kuwaasoo dhibaato u abuuri kara difaacayada, sababtoo ah waa ciyaaryahano siyaabo kala duwan u ciyaari kara.
“Ilaa iyo haatan rukoorkooda horyaalka waa mid fiican, waana inaad taas ku amaantaa”.
Post a Comment