Roobab Mahiigaan ah Sifiican Loogu Diirsaday oo Xalay Ka Wada Da’ay Muqdisho, Hiiraan, Galgaduud Iyo Shabeelooyinka (Warbixin)

Wednesday 31 October 20120 comments


Roob ab Muqdisho ka da'ay
Muqdisho (Hablaha.com) Roobab mahiigaan ah isla markaana watay dabeylo ayaa xalay illaa shalay ka da’ay deegaano fara badan oo ka mid ah gobolada koonfurta iyo bartamaha dalka iyadoo saaka wararka HABLAHA.COM soo gaaraya ay sheegyaan in khasaarooyin ay ka dhasheen roobabkaasi.
Roobabkan oo ah kuwii xilligan Deyrta da’i jiray ayaa si weyn biyo u dhigay waddooyinka muhimka ee isku xira dalka gaar ahaan gobolada Banaadir, Hiiraan, Labada Shabeelle illaa Galgaduud oo hadda saameynta ugu badan uu ku yeeshay.
Roobabka iyo Magaalada Muqdisho
Roobabka waxay si goos goosah uga da’een caasimada maalmihii lasoo dhaafay, hase yeeshee habeenkii xalay roob xoog leh oo mararka qaarna dabeyl watay ayaa magaalada ku da’ay.
Barakacayaasha Magaalada Muqdisho
Saameynta ugu badan ee roobkan xalay ka da’ay Muqdisho waxaa durba dareemay dadka barakacayaasha ee magaalada degan kuwaasoo aan heysan guryo fiican oo iska celin kara dhibicda roobka iyo dabeysha iswata.
Inkastoo wax khasaare nafeed ah aan la soo sheegin, ayaa haddana wariyaasha HABLAHA.COM waxay soo sheegayaan in qeylo dhaan gurmad hoy iyo cunto ay ku weydiisanayaan ay ka soo yeereyso barakacayaasha oo kuwooda ugu badan ay daadsan yihiin Xerada Badbaado, Xaruntii Jaamacadaha, jidkii Warshadaha iyo wadada Afgooye.
Magaalada Muqdisho, waxaa dhanka kale saameynta roobka laga dareemayaa jidadka magaalada oo aan badankood dayactir heysan kuwaasoo saaka biyaha Xareeda ay ka dhigeen “sidii balliyo ka soo hooray buuraleyda”.
Gobolka Hiiraan oo khasaarooyin laga soo sheegayo
Dadkii ku barakacay fatahaada Beledweyne

Beledweyne
Roobabka inta badan degmooyinka gobolka Hiiraan waxay ka socdeen labadii maalmood ee u dambeeyay, waxaase xalay roob fiican uu ka da’ay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo wax dhibaato ah aan laga soo sheegin walow dadkii faraha badnaa ee magaalada ka barakacay markii fatahaadu ku dhufatay Beledweyneay weli ku maqan yihiin hareeraha magaalada.
Degmada Halgan oo ka mid ah gobolka Hiiraan, ayaa lagu soo waramayaa in xoolo boqol ku dhow oo u badan Ari ay ku baabe’en qabowga iyo dhibicda roobka ee dabeysha watay.
Sida uu sheegay gudoomiye kuxigeenka gobolka Hiiraan Axmed Cismaan Cabdalla “Inji” waxaa kaloo xoolo fara badan iyo guryo ku burbureen degmada Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan.
Gobolka Galgaduud oo dad ku geeriyoodeen
Wararka naga soo gaaraya degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in afar ruux ay ku geeriyoodeen degmada iyo tuulooyin ku dhow kadib markii guryahooda ay dumeen roobab qabow watana ay ku da’een.
Isla gobolka meelo kale oo ka mid ah oo dhaca dhanka xeebta Badweynta Hindiya ayaa laga soo sheegayaa roobabka xilligan Deyrta ee wadanka ka curtay.
Wararka roobabka iyo gobolada kale dib ayaan ka soo gudbin doonaa haddii Eebe Idmo.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved