![]() |
| maalinta carafah oo ah maalinta ugu weyn acmaasha xajka |
Xujeyda Sanadkan ayaa waxaa ku jira Soomaali badan oo ka kala timid gudaha Soomaaliya iyo dalalka kale ay ku nool yihiin, waxaana sanadkan lagu qiyaasay tiradii ugu badneyd ee Soomaalida ka soo xajisa.
Saaka ayaa Xujeyda ka soo kalaheen halka lagu magacaabo Mina, oo xalay ku hoydeen, waxaana ay u dareereen Banka Caraf si ay u gutaan waajibaadka ugu muhiimsan ee Acmaasha Xajka.
![]() |
| Ducada maalinta carafah |
Maanta oo ah Sagaalka Carafo ayaa ah maalintii la dhameystiray Soo Degista Qur’aanka Kariimka waana maalin ahmiyad gaar ah u leh Muslimiinta Dunida meel waliba oo ay joogaan.
Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ayaa sanadkan adeegyo cusub ku soo kordhisay Xajka, iyadoo meel walba la dhigay gawaarida gurmadka deg dega, sidoo kale meel walba oo 1-KM ah waxaa laga sameeyay goobo caafimaad, si qofkii xanuun dareema loogu daaweeyo.
Kumanaan isugu jira Boolis iyo Ciidamada loo yaqaano Taraafikada ayaa kala hagaya xujeyda, waxaana meelaha qaar ku diyaarsan baabuurta qaadi laheyd dadka waayeelada, sidoo kale waxaa jira gawaari lagu diyaariyay raashin iyo cabitaano meel walba yaala.
Soomaalida sanadkan nasiibka u yeelatay inay xajiyaan ayaa u sheegay Warbaahinta kala duwan in Umada Soomaaliyed ugu soo duceynayaan in dhibaatada alle ka saaro, Nabad, barwaaqo iyo kala dambeyn Alle u keeno.
Sanadkan ayaa la filayaa inay yaraato qasaaraha ka dhasha isbuurashada marka la Dawaafayo, waxaana sanadihii u dambeysay ay aheyd mid sii kala yaraaneysay, maadaama wax badan laga bedelay qaab xujeyda u xajiyaan, adeegyo kala duwana lagu soo kordhiyay.
![]() |
| Muslimiinta oo isugu tagat buurta carafah |
Maalinta Beri ayaa ah maalinta Ciidul Adxa ee Xoola Qalka waa maalin ay si aad u faraxsan yihiin Muslimiinta Caalamka meel waliba oo ay aduunyadu ka joogaan.



Post a Comment