Wasiirada xukuumada Masar oo isku shaandheyn lagu sameeyey

Monday 7 January 20130 comments



(C)HM

Madaxweyne Morsi oo kulan la yeeshay Golaha Wasiirada cusub
Waxaa maalinimadii Axadii la dhaariyey Golaha Wasiirada cusub ee dalka Masar, kadib markii Isku shaandheyn balaaran lagu sameeyey xukuumada oo ay kusoo biireen 10 wasiir oo cusub.

Madaxweyne Maxamed Morsi iyo Raysalwasaaraha Masar Hashim Qandil ayaa in muddo ah ka wadahadlayey isbedalka lagu sameeyey Golaha Wasiirada.

Labada xil ee ugu waaweyn ee isbedalkan saameeyey ayaa kala ah Wasaarada Maaliyada iyo Arrimaha Gudaha.

Wasiirkii Maaliyada ee hore Mumtas Al-Said ayaa waxaa lagu bedalay El Morsi Sayid Xegasi, wasiirka cusub ee Maaliyada ayaa ah nin ku takhasusay culuumta dhaqaalaha Islaamiga ah, waxaana horyaal isbedal weyn oo lagu doonayo in dib loogu soo nooleeyo dhaqaalaha iyo ganacsiga dalkaasi.

Dowlada Masar ayaa maanta oo Isniin ah la kulmeysa wafdi ka socda hay’ada dhaqaalaha dunnida ee IMF. Wadanka Masar ayaa doonaya inuu deyn ka qaato IMF, deyntaasi oo dib loogu nooleenayo dhaqaalaha hoos u dhacay ee wadanka Masar, deyntaasi oo lagu qiyaasay $4.8 bilyan oo dollarka Maraykanka ah.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Jamal Eddin ayaa xilkii laga casilay waxaana jegadaasi loo dhiibay Jeneral Mohammed Ibrahim. Wasiirka xilka laga qaaday ee Arrimaha Gudaha ayaa lagu dhaliilay inuu wax badan ka qaban waayey dhanka Amniga.

Golaha Wasiirada oo ay kusoo biireen 10 wasiir oo cusub ayaa 3 kamid ah xubnaha cusub ay ka socdaan xisbiga Madaxweyne Morsi ee Akhwaan Muslimiinka oo loo yaqaan Xisbiga Xoriyada iyo Cadaalada.

Golaha Wasiirada ee Masar ayaa ka kooban 37 wasiir. Waana isku shaandheyntii ugu balaarneyd oo lagu sameeyo Golaha Wasiirada tan iyo intii xilka Madaxweynaha loo doortay Maxamed Morsi bishii June ee sanadkii lasoo dhaafay 2012.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved