Muhanad oo noqday Jilaaga ugu taageeraha badan Dalka Turkiga

Monday 7 January 20130 comments






Jilaaga caanka ah ee Kivanc Tatlitug balse ku caan baxay magaca Muhanad ayaa noqday atooraha ama jilaaga ugu shacbiyada badan Dalka Turkiga, isagoo galay kaalinta koobaad ee jilaaga sanadka 2012-ka, waxaana isla sanadkan laga qoray 3310 oo isugu jira warar iyo maqaalo xiiso badan.

Mohanad ayaa tartankan kaga guuleystay gabadha Perrin SAT oo ah gabadha la jishay filimka ama musalsalka Al Cishqu Mamnuuc, iyadoo gabadhan ahayd jilaada ugu mushaarka badan turkiga,waxaana Perrin SAT laga qoray sanadkii tegay 2543 oo maqaal iyo war ka kooban.

Jilaaga Muhanad ayaa taageero aad u badan ku leh dalkiisa Turkiga, waxaana sidoo kale si waali ah looga taageera dalalka carabta oo aad looga xiiseeyo filimadiisa.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved