Gabr yar oo la sheegay inay jaceel awgiis nafsadeeda qatar weyn u galisay si ay ula kulanto..(Daawo Muuqaal Ahaan+warbixin)

Sunday 6 January 20130 comments




Gabr yar oo 13 sano jir ah oo u dhalatey dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay jaceel awgiis ay nafsadeeda qatar weyn u galisay si ay ula kulanto wiil ay is jeclaayeen ka dib markii uu aabaheed ka hor istaagay xiriirka ay la lahayd wiilkaas.



Gabadhaan yar oo lagu magacaabo Elizabeth Robinson oo 13 sano jir ah kuna nool magaalada Cypress, Texas ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay nafsadeeda ay qatar weyn galisay si ay ula kulanto wiil ay jeclayd, gabadhaan oo ay wiilkaas isku barteen barta internetka gaar ahaan goobta lagu ciyaaro Xbox360 ayaa wiilkaan oo lagu magacaabo Dylan oo 12 sano jir ah kuna nool magaalada Nashville, Tennessee ee dalkaas Mareykanka ayaa waxay wiilkaas mudo dheer ay ku sheekeysan jireen bartaas iyadoona uu dhex maray wiilkaas iyo gabadhaasi jacayl aad iyo aad u daran, laakiin waalidiinta gabadhaas oo ka wel welsan isbadalka ku yimid gabadhooda iyo waqtiga xad dhaafka ah ee ay ku mashquulsan tahay Xboxka iyo internetka ayaa waxay go'aansadeen inay ka joojiyaan gebi ahaanba ciyaartaas ayagoona ka qaaday Xboxka ay kala xiriiri jirtey wiilkaas, Hadaba gabadhaan oo ka xumaatey xiriir la'įantaas iyo wiilkii ay jeclayd oo ay is waayeen ayaa waxay go'aansatey inay aado oo ay la kulanto wiilkaas iyadoona halkaas ka xaday kaarka lacagta ee hooyadeed ka dibna ka soo booday daaqada ama dariishada guriga islamarkaana sidoo kale xadey oo la baxsatey baabuurka walaalkeed oo ayna wadada cagta saartey si ay mar un u aragto wiilkii ay jacleyd iyadoona ay gabadhaasi ay jartey masaafo ka badan ilaa iyo 1.300 kilometer wadooyin saxmad ah oo baabuurtu ay ku badan tahay xili aysan gabadhaas lahayn sharci lagu wado baabuurta iyo wax waayo aragnimo ah oo ku saabsan baabuur wadidaas arintaas oo u keentay qatar weyn oo ay galisay nafsadeeda.



Ugu dambeyntiina iyadoo gabahdaasi oo ka maqneyd reerkeeda mudo maalin ah ka dib ay ku keentay waalidkeed wel wel iyo walaac ku saabsan arintaas ayaa waxaa gabadhaas markii dambe ka qabtey wadada ciidanka wadooyinka ka dib markii ay aqoonsadeen baabuurka iyo gabahdaas inay yihiin kuwii la baadi goobaayey iyagoona ku wareejiyey booliiska, aabaha dhalay gabahdaan oo la yaab ku noqotey sida waalan ee ay gabadhiisa ku soo jartey masaafadaas oo asaga ay dhib ku noqotey inuu soo gaaro xilli uu soo doontey gabadhiisa inuu u soo ka xeeyo oo uu dib ugu soo celiyo gurigeeda ayaa waxaa kale oo uu la yaabay inay baabuur wadi karto oo uusan ku ogeyn arintaas, waalidiinta gabadhaan ayaa waxay sheegeen inay diyaarin doonaan kulan deg deg ah oo dhex mara gabadhooda iyo wiilkaas ay is jeclaadeen iyagoona sidoo kale sheegay inaysan mar dambe fara galin doonin inay gabadhooda ku qasbaan waxaysan raali ka ahayn hadiiba ay tani uu ilaahey ka badbaadiyey, Booliiska magaalada ayaa sidoo kale sheegay inaan gabadha waxba loo raacan doonin, Laakiin gabadhaas oo dhaawacyo gaarsiisay oo ku dhacday baabuurta dariska markii ay xadeysay gaariga walaalkeed ayaa waxaa arintaas uu xalkeedu u yaalaa inay wax ka qabtaan waalidiinta dhalay gabadhaas uu jacelka waalan qaatey.

Halkaan Hoose Riix Si Aad U Daawato





______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved