Koox Yuhuud ah oo Maxkamada La fuulay Shabakada Arrimaha Bulshada Ee Twitter

Tuesday 8 January 20130 comments




Koox u ololeysa Yuhuuda ku nool dalka Faransiiska ayaa Maxkamad la fuulay Shabakada warbaahinta Twitter, ayagoo doonaya inay ku khasbaan Twitterka inuu shaaciyo magacyada dad aflagaadeeyey dadka Yuhuuda ah.

Maxkamadan oo maanta ka bilaaban doonta dalka Faransiiska ayaa ah mid si weyn isha looga hayo, waana Maxkamad salka ku heysa ololaha kooxaha Yuhuuda ee dabagalka ku sameeya wararka ay ku tilmaamaan Cadaawada Yuhuuda ee lagu fidiyo warbaahinta Internetka.

Kooxdan dacwada kusoo oogtay Twitter ayaa ka cabanaya warar iyo hadalo lagu faafiyey Twitterka oo ka dhan ah dadka Yuhuuda oo bilihii lasoo dhaafay si weyn u dhaliyey doodo ka dhashay shabakada wararka la isugu gudbiyo ee Twitterka.

Kooxdan Yuhuuda difaacda ayaa ka codsaday Twitter inay shaaciyaan magacyada iyo goobaha ay degen yihiin dadka ku faafiyey Twitterka cayda ku socota diinta Yuhuuda iyo Shacabka Yuhuuda ah. Balse warbaahinta Twitterka ayaa diiday inay bixiso magacyada macaabiisheeda arrintana ku tilmaamtay mid xad gudub ku ah xoriyada afkaarta.

Twitter ayaa ku dooday  dhankooda inaysan joojin karin afkaarta caadiga ah ee dadka dhiibanayaan balse ay tilaabo ka qaadaan wixii ay u arkaan ku talax taga aaladooda, hase yeeshee way diiday shirkada Twitterka codsiga kooxdan uga yimid.

Kooxdan ayaa Maxkamada dacwadooda ugu gudbiyey ayadoo Twitterna ay qabsadeen Qareemo u dooda, maxkamadan ayaa si weyn isha loogu hayaa dalkaasi Faransiiska.

Sanadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa la sheegay in sare u kacday cadaawada loo qabo dadka Yuhuuda ah ee ku dhaqan dalka Faransiiska, balse qeybo kamid ah wadamada Europe ayey danbi ka tahay cayda dadka Yuhuuda ah, xili dalalkaasi Europe ay horey jaraa’idkooda ugu faafiyeen warar ka dhan ah Diinta Islaamka.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved