Ciidamo ka socda Holland, Jarmalka iyo Maraykanka oo gaaray Turkiga Tolow Muxu Yahay Qorshohooda?

Tuesday 8 January 20130 comments




Waxaa wadanka Turkiga gaaray ciidamo ka kala socda wadamada Holland, Jarmalka (Germany) iyo Maraykanka kuwaasi oo ka qeyb qaadan doona hawlgelinta Gantaalada ridada dheer ee (Patriot).

Ciidamadan ayaa qeyb ka ah isbaheysiga NATO ee xubinta ka yahay dalka Turkiga oo dhawaan isbaheysigaasi ka codsaday in dalkooda loo keeno gantaaladan oo la dhigi doono xaduuda u dhaxeysa wadamada Turkiga iyo Siiriya.

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay inay dooneyso inay dalkeeda ka difaacdo gantaalada uga imaan kara wadanka dagaalka ka socda ee Siiriya.

Gantaaladan Patriot ayaa lagu tilmaamay in loo adeegsan doono oo kaliya hab difaac ah isla markaana waxaa laga kala keeni doonaa wadamada Holland iyo Jarmalka. Horey ayey wadanka Turkiga todobaadkan u gaareen ciidamo ka socda Maraykanka oo ka qeyb qaadan doona rakibida iyo illaalinta Gantaaladan.

Gantaaladan ayaa waxaa la dhigi doonaa sadex magaalo oo saaran xadka koonfureed ee dalka Turkiga la wadaago wadanka Siiriya.

Tilaabadan ayaa waxaa horey u cambaareeyey wadanka Ruushka oo sheegay in ay tahay mid sare usii qaadi karta xiisada ka taagan dalka Siiriya.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved