Maxaa Kala Heysta Gabdhaha U Ololeeya Ladagaalana Gudniinka Fircooniga Iyo Umulisooyin Dhaqameedyada Buula Xaawo (Warbixn Muhiim ah)

Tuesday 8 January 20130 comments




Wararka ka imanaya magaalada Buula Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ay baxsatay gabadh u doodi  jirtey xuquuqda haweenka da’da yar gaar ahaanna la dagaallanka gudniinka fircooniga ah. Gabadhaas oo la oran jirey Khayro Jaamac waxa lagu naaneysi jirey (Khayro Kintirreey).

Khayro ayaa lagu soo warramayaa in aan ilaa iyo hadda la ogeyn meel ay cag iyo jaan dhigtay waxase la tuhunsan yahay in ay ku dhuumaaleysanayso dalka deriska ah ee Itoobiya magaalo-madaxdiisa Addis Ababa.

Waxa lagu soo warramayaa oo kale in ay Khayro Jaamac la baxsatay nafteeda ka dib markii ay caga-jugleyn ba’an uga timid umuliso-dhaqameedyada magaalada iyo dadka aaminsan gudniinkaasi fircooniga ah oo iyaguna diiddanaa gabi ahaanba  dadka u dhaq-dhaqaaqidda arrimaha haweenka.

Inantaan oo ahayd gabar da’ yar waxay magaalada Buula Xaawo ka wadday ol’ole qarsoodi ah oo ay kula dagaallamaysay gudniinka fircooniga ah oo si hoose laakiin dar-dar leh uga socday degaammada waqooyiga gobolka Gedo; kuwaasoo ay Buula xaawo ka mid tahay.

Naanaystii xumayd ee loo bixiyey ka sokow, waxa Khayro si aad ah loogu soo xusuusan doonaa dadaalkeedii ka hortagga gudniinka fircooniga ah iyo sida ay uga warqabtay xaaladda guud ee uu dalka Soomaaliya ku jiro iyada oo weliba ah qof dumar ah oo da’ yar.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved