Wefdi ka socda Midowga Afrika oo Muqdisho tegey

Tuesday 8 January 20130 comments



Wefdi uu hoggaaminayo wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mr.Annadif Mohamat Salah ayaa maanta tegey magaalada Muqdisho, wefdiga waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Taliyaha guud ee ciidanka AMISOM iyo xubno ka socda dawladda.

Ergayga Midowga Afrika Soomaaliya u qaabilsan Mr.Annadif Mohamat Salah ayaa madaxtooyada Soomaaliya kulan kula qaatey Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud, waxaana labada dhinac ka wada hadleen isbedaladii u danbeeyey ee dalka iyo sidii loo dar-dargelin lahaa amaanka goobaha Dowladdu kala wareegto Xarakada al-Shabaab. Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen sida Midowga Afrika uga qaybqaadan lahaa 6da tiir ee Madaxweynuhu sheegay in ay wax ka qabanayaan.

Waa markii labaad oo uu magaalada Muqdisho yimaado ergayga cusub ee Midowga Afrika Soomaaliya u soo magacabeen.

Dhanka kale madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley ergayga Qaramada Midoobey Soomaaliya u qaabilsan Augistine Mahiga.

Agustine Mahiga ayaa madaxweynaha kala hadley sida la isaga kaashan karo dhalinyarada ka soo baxsata xarakada al-Shabaab, Madaxweynaha ayaa u gudbiyey hindise dowladiisu waddo kaas oo waxtar u leh dhalinyarada ka soo abxsata al-Shabaab in lo sameeyo xerooyin lagu dhaqan celiyo isla amrkaana lagu baro xirfado kala duwan o ay ku shaqeysan karaan, waxaan madaxweynuhu ka ocdsadey in hay’adaha Qaramada Midoobey ay ugala shaqeyn lahaayeen.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved