Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Kunool Dalka Turkiga Oo Dhagax Isku Dishay Iyo Police-ka Oo Gacanta Kudhigay Ragii Ka Danbeeyay ( Warbixin Xasaasi Ah )

Saturday 19 January 20130 comments





Arrintan ayaana timid kadib markii labo Nin oo Soomaali ah uu dhax maray Dagaal iyo is qab qabsi taa oo dhalisay in Mid kamid ah Raga is heestay uu u soo hiiliyay Walaalkiis xiligaasi kadibna Dhagax ku dileen Ninkii kale ee Muranka kala dhaxeeyay.

Marxuunka la dilay ayaa Magaciisa noo lagu sheegay Macalin Ibraahin waxa uuna ahaa Macalin Dugsi Quraan ku dhiga Gobolka Burdun ee Dalka Turkiga , arintan Dilka ayaana noqotay mid saameyn iyo hadal heyn badan ka dhax dhalisay Soomaalida dhaxdeeda sida uu noo xaqiijiyay Goob jooge halkaa joogay.

Halka ee dhacdadan ka dhacday ayaa waxaa gaaray Saraakiil katirsan Safaarada Soomaaliya ee Dalka Turgiga waxa ayna u sheegeen in Dadka ee is dajiyaan gacan ku dhiigalaha hada gacanta ku hayana Ciidamaad Booliiska lana baari doono waxa keenay dhacdadan Naxtinta badan.

Waa falkii ugu horeeyay oo nuucaan ah oo ka dhaca gudaha Dalka Turkiga ee isku dilaan Muwaadiniin Soomaali ah dhax dooda , waxaana meelo badan oo caalamka ka dhaca Dilal ee Soomaalida dhaxdooda isku geestaan.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved