Marka lasoo hadal qaado in laga hadlo daafacyadii soo maray horyaalka qiimaha leh ee ingiriiska waxaa lasoo xasuusan doonaa xidigo badan kuwaas oo loo aqoonsan yahay iney ahaayeen kuwii ugu wanaagsanaa waqtigooda.
Sheekadaan ayaa taabaneysa 20-kiisa sano ee lasoo dhaafay ee uu jiray magaca Premier League 10-kii daafaca dhexe ee ugu wanaagsanaa kuwaas oo lagu aqoonsaday dadaalkooda iyo qiimaha ay ka lahaayeen ama ka leeyihiin kooxahooda.
1. Tony Adams
Kooxda: Arsenal
Saftay: 255-Kulan
Kabtankii hore kooxda caan baxday ee Arsenal Tony Adams ayaa loo doortay daaficii dhexe ee ugu wanaagsanaa taariikhda horyaalka premier league waana xiligii magacaan lasoo bilaabay. Xidigii hore xulka England ayaa ah shaqsiga ugu sumcada badan kooxda Gunners.
2. Nemanja Vidic
Kooxda: Manchester United
Saftay: 167-Kulan
Kabtanka haatan ee kooxda Manchester United ahna kabtanka xulka Serbia kaas oo Man United yimid sanadkii 2006-dii ayaa soo galay liiskaan waxaana xidigaan uu ka yimid horyaalka qabowga ah ee Russia gaar ahaan kooxda SpartakMoscow. Vidic ayaa lagu tiriyaa daafacyada ugu mitidsan horyaalka England
3. John Terry
Kooxda: Chelsea
Saftay: 359-Kulan
Kabtanka Rasmiga ah ee haatan hogamiyaha kooxda Chelsea John Terry ayaan shaki ku jirin inuu kazoo muuqan doono liiskaan mar hadii la xisaabinayo halyeeyada daafaca dambe horyaalka England. Terry ayaa sanadii 1998-dii kazoo muuqday kooxda Blues wuxuuna si rasmi ah uga mid noqday safka hore ee kooxda xilli ciyaareedkii 2000/2001 waana daafac ka mid ah halyeeyada Chelsea kaas mudooyinkii dambe dhaawacyo la dageen.
4. Rio Ferdinand
Kooxda: Manchester United
Saftay: 443-Kulan
Wiilkii kazoo baxay acadeemiyada kooxda West Ham United kaas oo 125-kulan u soo saftay kooxda West ham isla markaana sanadkii 2001-dii u wareegay kooxda Leeds Unitd waxaana laba xilli ciyaareed kadib xilli ciyaareedkii 2002/2003 uu kusoo biiray kooxda Old Trafford ku ciyaarta ee Manchester United waana daafacyada joogtada ah ee kooxda Man United xiligaan la joogo.
5. Steve Bruce
Kooxda: Manchester United
Saftay: 148-Kulan
Daaficii hore kooxda Manchester United kaas oo sanadihii 1992-dii United kula guuleystay horyaalka premier league iyo sidoo kale 1996-dii, ayaa ku jira liiska waxaana xidigaan loo doortay daaficii ugu wanaagsanaa 10-kii sano ee lasoo dhaafay horyaalka England sanadkii 2002-da.
6. Jamie Carragher
Kooxda: Liverpool
Saftay: 479-Kulan
Kabtanka labaad ee kooxda Liverpool kaas oo Anfield Road ku sugan muddo ka badan 15-sano ayaa lagu soo daray liiskaan inkastoo mudooyinkii dambe uusan boos joogta ah ka helin kooxdiisa hadana waa halyeey ay wali u baahi qabto kooxda Liverpool. Xilli ciyaareedkii 2005-2006 ayuu kazoo muuqday liiska kooxda ugu fiican horyaalka England.
7. Paul McGrath
Kooxaha: Aston Villa & Derby County
Saftay: 166-Kulan
Daafacaan ayaa 7-sano kusoo qasaariyay kooxda Manchester United ka hor inta aan magaca premier league loo bixin mana loo xisaabin doono sanadahaas uu Man United kusoo qaatay madama mowduuca aysan ku jirin, Xilli ciyaareedkii 1991-1992 ayuu ku sugnaa kooxda Aston Villa waxaana kooxda Aston Villa uu u suura galiyay iney labaad gasho xilligii ku xigay ee 1992-1993 markaas oo ay Man United la hoyatay waxaana loo doortay xidiga ugu wanaagsan horyaalka England xiligaas. Sanadkii 1996-dii ayuu ku biiray kooxda hooseysa ee DerbyCounty.
8. Gary Pallister
Kooxaha: Man United & Middlesbrough
Saftay: 261-Kulan
Daafacaan heerka caalami ayaa sanadii 1989-kii kusoo biiray kooxda Man united kaas oo ka yimid Middlesbrough waxaana uu xiligaas caawiyay Steve Bruce markaas oo ay United u qaadeen 4-horyaal oo England ah waxaana daafacaan uu ahaa mid ku dheereeya kubadaha dhaadheer ee loo gudbiyo khadka dhexe iyo weerarka xiliga weerarka lagu hayo.
9. Jaap Stam
Kooxda: Manchester United
Saftay: 79-Kulan
Daafacii hore xulka Netherland haatana ah tababare ku xigeenka kooxda Ajex Amsterdam waxana xidigaan heerka caalami uu kusoo biiray kooxda Man United 1998-doo wuxuuna ku sugnaa 3-sano oo kaliya taasna wuxuu ku muteysay dadaalkiisa markaas oo ay united ka iibisay kooxda Lazio sanadkii 2002-da.
10. Sami Hyypia
Kooxda: Liverpool
Saftay: 318-Kulan
Daaficii hore kooxda Liverpool iyo Xulka Finaland waana tababaraha haatan ee kooxda Bayern Leverkusen wuxuuna xidigana Liverpool isaga hayaamay 2009-kii. Hyypia ayaa ka mid noqday koox cajiib aheyd oo xilli ciyaaredkii 2005/2006-dii garoonka Ata turkey kuso qaaday koobka yurub ee Champions league.
Xigasho :- www.Laacib24.com
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment