Jaceylkan Cusub Jaahiliintuu Uroon Yahay ! Maahmaahyooyin Jaceylka Ka Turjumaya Oo Xiiso Badan

Sunday 10 February 20130 comments





Halkan Waxaan Idiinku Soo Gudbin Doonaaa Ilaaa 20 Maahmaahyood Dhamaantood Kuqotoma Jaceyl .

waxaan ugu talo galay maahmaahyadaan jaceylka kahadlaa iney ka faaideystaan mucaashaqiinta somaliyeed runtii maahmaahyada si fudud ayaan kadhigay si qof weliba ugarto balse macno dheer ayeey kufadhiyaaan ruuxii dib umilicsado hadaan maamaahyada mid kamid ah aan dib umilicsado aan soo bandhigo macnaha ay xambaarsantahay maahmaahda ah “jaceylkan Cusub Jaahiliintuu Uroonyahay” waad fahantay macnaha balse aan milicsado maahmaahda waxey kuqotonto.

Waayahaan danbe dunida jaceylkii hore waa dhalan rogmay labo ruux mudo isjeclaaaa ayaa waxaa dhaceyso qof wadamadaa reer galbeedka ah kayimid in lagu darro gabar wadanka lagu tilmaamo qaaradii madoobeed ee Africa joogto in lagu darro gabadhaaa lagu darayana waxey xiriir adag laleedahay inan aay isku meel joogaan ayadoo tixgelineyso go’aanka waalidiinteed ayey aqbaleysaa Guurkii.

ninki ayaa Africa imaanayo waxey usheegeysaa xiriir iyo axdi jaceyl iney horay usoo gashay misana dhag uma dhigayo hadalkaaa waaa guursanayaaa marka qofkaas waa jaahil jaceylkeeda tix gelin waayay siddeeeda ku guursaday wuxuu fiirsaday dantiisa waxa xanuun dareemayo lamaanihii isjeclaaa wax dan ahna jaceylkaa uguma jiro sidaa darted ayaan ka curiyay maahmaahdan ah “jaceylkan Cusub Jaahiliintuu Uroonyahay”  

Aqristoow yaan war kugu daalininee waa tan kabogo maahmaahyadii cusbaa.

1: Daaro In ladhisiyo in yurub laga dagaa jaceyl laguma doon doono. 
2:Farxad jaceyl iyo murugo caashaq Waa is daba gurguurtaan.

3:Jahli iyo jaceyl ileyn looma jiifto.  
4: jaceyl lagaa janjeersaday jug laguma doondoono.

5:Jaceylkan cusub jaahiliintuu uroontahay. 
6: Jaceylkii Kululaaa Kacsi Baa Loo Rogay.

7: Jaceylku haduu hadlo haada maxkamadeed horaanbuu calaf & dad latiigsan lahaa. 
8: Jaceyl kaa janjeero hanti laguma soo jiito.

9: Jug jaceyl nimeey gaartay jeenankiisu waa jowharadiiisa. 
10: jaceyl wadajir loo curiyay calankiisu adagaa.

11: Axdigii hore Dhalanteedkii danbaa tirtiray.  
12: Jaceyl faqiir laazimay kan taajirka kakulul.

13: Eed jaceyl ileyn lamaanaha kama dhamaato.  
14: Ruux mudo la eeganayay hadad yurub urarato
      Raasumaalkaaga danbe reys maleh.

15: Talo hadeey kaa wareeerto tahliil baa latuftaaaa. 
16: Sahal kuma go’o jaceyl sadriga yuurarsaday.

17: Saasaanta jaceylka aa sida udgoonka qaanso roobaad. 
18: Ruux lasagootiyay samir jaceyl Sad uma aha.

19: Nabsi jacyl naruuuraduu kaa jaraaaa. 
20: waqtiga waakan isdaba yaaal jaceylna waa kan daba Weecsan.
21: Sikastoo looqoslaaaa Saliga Lagama Dhaco.




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved