Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ku kulmay magaalada Rome

Monday 7 January 20130 comments




Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa xalay kula kulantay magaalada Rome dhigeeda Talyaaniga Mr. Mr. Giulio Terzi ka dib markii ay casuumaad rasmi ah ka heshay.

Kulanka labada wasiir oo ahaa mid saacado qaatay ayaa waxay kaga wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, iskaashiga dhinacyada horumarinta, ammaanka, waxbarashada, beeraha iyo sidii uu Talyaaniga dib u bilaabi lahaa mashaarcdii uu ka hirgeliyay soomaaliya sida kaluumeysiga.

Wasiirka Arrimaha dibada Talyaaniga Mr Terzi oo wariyeyaasha la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in booqashada wasiirada arrimaha dibada Soomaaliya, taasoo uu xusay inay daba joogto booqasho uu sanadkii hore ku tagay magaalada Muqdisho.

Mr Terzi ayaa sheegay in dowladda Talyaaniga ka go'an tahay sidii wada shaqeyn dhinac kasta ula yeelan lahaayeen dowladda Soomaaliya, isla markaana taageero ay la garab taagan yihiin.

Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Fowziya Yuusuf ayaa dhankeeda muujisay muhiimada ay leedahay iskaashi dhex mara Soomaaliya iyo Talyaaniga, waxaana ay xustay in Talyaaniga ka mid yahay dowladaha sida gaarka u daneeyo Soomaaliya.

Marwo Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan waxa ay rajo wanaagsan ka muujisay ka miro dhalinta dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen iyo go’aamadii ay isla gaareen iyada iyo wasiirka arimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Mr. Giulio Terzi.

Kulanka labada Wasiir ayaa waxaa dhinaca Soomaaliya ku wehlinayey Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga iyo midowga Yurub ambasadoor Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada Arimaha dibada Maxamed Shariif Maxamuud, Ambasadoor C/rashiid Seet, iyo xubno kale.

Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa magaalada London kula soo kulantay Xoghayaha arrimaha dibada Britain oo ay ka wada hadleen arrimo badan, iyadoo haatan dadaal ugu jirta sidii dib loogu furi lahaa safaaradihii ay Soomaaliya ku laheyd dalalka Yurub.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved