Inan Yar Oo Soomaali ah Oo Ka Ilmeysiiyey Wasiirada Arrimaha Dibada Soomaaliya iyo Qaar ka mid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Ingiriiska ++(Video)

Monday 7 January 20130 comments




Wiil yar oo Soomaali ah ayaa waxaa la sheegay inuu kaga ilmeysiiyey wasiirada arimaha dibada Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas Ingiriiska ka dib markii uu wiilkaasi yar uu gabay xamaasad iyo qiiro leh uu ka tiriyey xaflad uu ka qeyb galay wiilkaas.

Wiilkaan yar oo da'adiisa lagu sheegay 7 sano jir ayaa waxaa la sheegay inu dhawaantaan uu kaga ilmeysiiyey wasiirada arimaha dibada Soomaaliyeed Drs. Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo qaar ka mid ah jaaliyada Soomaalida ee ku nool dalkaas Ingiriiska ka dib markii uu wiilkaaas ka jeediyey ama ka tiriyey gabay qiiro leh xaflad uu ka qeyb galay taas oo lagu soo dhaweynaayey wasiirada arimaha dibada ee Soomaaliya oo booqasho ku joogtey dalkaas Ingiriiska, wiilkaan yar oo goobtaas ka tiriyey gabayga la magac baxay DUGSI MA LAHA QABYAALADU WAXAY DUMISO MOOYEE ayaa waxay arintaas ku raabtay qiiro iyo xamaasad iyo inay ilmeeyaan dadkii goobtaas joogay oo ay ka mid ahayd wasiirada arimaha dibada ee Soomaaliya iyadoona ay dadka badankiis ee la yaabeen sida wanaagsan ee uu wiilkaas yar u tiriyey una xafiday gabaygaas cajiibka ee sida aadka ahna u quseeya dadka Soomaaliyeed.

Halkaan ka Daawo Muuqaal Ahaan Wiilka Yar ee ka Ilimiyay Dadyoow Badan


Ugu dambeyntiina iyadoo wiilkaan yar ee sida cajiibka ah u tiriyey gabaygaas qiimaha leh ee ku reebay dadkii goobtaas ku sugnaa qiirada, xamaasada iyo calool xumada islamarkaana tusaalaha fiican u ahaa waxa maanta meesha xun dhigay dalkeena Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa uu wiilkaas goobtaas kaga luuqeeyey hees uu ku amaanaayo hooyooyinka Soomaaliyeed, wiilkaan yar oo u muuqda inuu ka mid yahay caruurta ku dhalatay qurbaha gaar ahaana dalkaas Ingiriiska ayaa waxaa uu tusaale fiican u noqon karaa barbaarinta caruurta Soomaaliyeed ee ku dhashay wadamada dibada iyadoona ay arintaan muujineyso in caruurta ay ku xiran yahay waalidka maadaama ay waqtigaan jiraan caruur badan oo wiilkaas la da'a ah oo gabay iska daayee aan xataa laba erey oo af Soomaali ah isku xijin karin.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved