Somali International University (SIU) oo Maanta laga furay Magaalada Muqdisho++ (Sawiro)

Monday 7 January 20130 comments




Munaasabad lagu furayey Jaamacad cusub oo la magac baxday Jaamacada caalamiga ah ee Soomaaliya (Somali International University) ayaa maanta lagu qabtay xarunta cusub ee Jaamacadaas oo ku taala Ex-dugsigii H/dhexe ee Muuse Galaal ee degmada H/wadaag.

Xaflada furitaanka Jaamacadan cusub ayaa waxaa ka qeyb galay madax ka tirsan dowlada Somalia, qaar ka mid ah ardayda iyo macalimiinta wax ka dhigta Jaamacadaha kale ee Muqdisho ku yaala, aqoonyahano, masuuliyiin ka socotay shirkadaha ganacsiga iyo dad kale oo fara badan.


Ugu horeyn waxaa goobta laga akhriyey war saxaafadeed ka soo baxay maamulka jaamacadan cusub kaasoo sidan u qornaa:-

War Saxaafadeed

Bismillaahi Raxmaani Raxiim. 7/01/2013

Ujeedada xafladan waa furitaanka:

1.Ururka Waxbarashada iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed ama (Somali Education & Social Development Organization) oo loo soo gaabiyo SESDO.

2.Somali International University (Jaamacadda Caalamiga Soomaaliyeed) oo loo soo gaabiyo SIU.

A) Ujeedada ururka SESDO loo aasaasay waa in ay ummadda Soomaaliyeed u soo bandhigto:

1.Waxbarasho (heer Jaamacadeed, kuleejo laga barto farsamo lagu shaqo galo, iyo tacliinta dadka waaweyn) oo u dhigma heerka wadamada kale ee caalamka.

2.Isbitaal iyo adeeg caafimaad oo ku heer ah wadamada kale ee caalamka.

B) SIU (Somali International University) waa mashruucii u horeeyay ee ururka SESDO ay fulisay. Maanta (7/01/2013) ayeyna SIU si rasmi ah u bilowday howlaheeda. Barnaamijyada waxbarasho ee SIU waxay ku qotomaan LIX TIIR oo kala ah:

1.Dhisidda akhlaaqda, asluubta, iyo damiir wanaaga
2.Dhisidda aqoonta, garaadka, fikirka, iyo farasama aqoon
3.Dhisidda aqoonta adeegsiga aaladda kombuyuuterka & Internetka.
4.Dhisidda codkarnimo iyo xirfad soo bandhigista fikrad/ barnaamij
5.Dhisidda bulshanimo iyo dad la noolaashaha
6.Dhisidda karti cilmibaaris

SIU waxay xoogga saareysaa in ay ardada ka dhisto ku hadalka iyo qoraalka afka Ingiriisiga (English Language), farsamada gacanta iyo adeegsiga kombuyuuterada. Maamulka Jaamacadda SIU & SESDO.

Ka dib waxaa kulankaas ka hadlay agaasimaha Wasaarada horumarinta adeega bulshada xukuumada Soomaaliya Muuse Faarax Xeyd oo soo dhoweeyey furitaanka Jaamacadan cusub isagoo ka codsaday maamulka Jaamacadda in ay xoogga saaraan soo saarida dhalinyarada Soomaaliyeed ee xirfadleyda ah.

Prof. Ismaaciil Cali Siciid oo ah gudoomiyaha Jaamacada caalamiga ah ee Soomaaliya oo isna ka hadlayay munaasabadaas ayaa sheegay in Jaaamacadan ay bixinayso waxbarsho sare, College lagu barto shaqada farsamada gacanta iyo waliba waxbarshada tacliinta dadka waaweyn, isagoo xusay in jaamacadan ay hirgalisay Mu’asasada waxbarashada iyo Horumarinta bushada Soomaaliyeed ee SESDO.

“Ujeedada loo asaasay Jaamacadan waxaa ka mid ah dhisida, aqoonta, akhlaaqda asluubta, damiir-wanaaga garaadka, fikirka iyo adeegsiga aalada Komputerka iyo internetka iyo waliba qodobo kale oo faaiido u leh ardayda” ayuu yiri Prof. Ismaaciil Cali siciid.



Agaasimaha Wasaarada horumarinta adeega bulshada xukuumada Soomaaliya Muuse Saalax iyo madax kale ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Jaamacadan oo ka mid noqonaysa Jaamacadaha dhawaanahan laga hirgaliyay Magaalada Muqdisho.



















______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved