Asli: “Wax Kasta Waxaa Iga Dheelay Maseyrkeyga

Monday 7 January 20130 comments



“Wax kasta waxaa iga haleeyay Maseyrkeyga, Ninkeygana waan jeclahay, laakiin hadana ma aqaano ..” sidaasi waxaa ku calaacashay Asli Moogane oo sheegtay in iyada iyo Seygeeda muran joogta ah uu ka dhex taagan yahay.

“Dareenkeyga ma xakameyn karo, markaan arko ninkeyga oo la hadlaya ama la taagan qof dumar ah, isagana wuxuu ii sheegaa in meel cidlo ah aan ka didayo, taas ayaana keenta khilaafka” ayay hadalkeeda sii raacisay.

“Nin lama Amino karo, waan ogahay in uusan dumar ka joogeyn, anigana waxaan mar kasta isku dayaa in aan ilowsiiyo in uu dumar kale eego” ayay hadalkeeda raacisay.

“Waan jecelahay in reerkeenu noqdo mid xasilan, laakiin side lagu helaa,… waxaan ka shakiyaa maqnaashahiisa, intuu iga maqan yahay, waxbaa igu taagan, isaga uun baan ka fekeraa, markuu guriga yimaado ee aan su’aalo weydiiyo, waaba dagaal” ayay tiri Asli.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved