Qaaabka Ugu Wanaagsan Daweynta Cudurka Biya baxa deg dega waqtiga Galmada.

Thursday 10 January 20130 comments



Inkasoo aysan aheyn markii ugu horeeysay een Cabashada Akhristayaasha tix galino ayaan hadana jecelnahay inaan waxyar ka sheegno Daawooyinka sida sahlan la isaga daweeyo Cudurka Biya baxa dega dega waqtiga Kulanka Labada Lamaane.

Ma jirto dawo afka ah ood 100% ku daawoobeysid Allaha kaa caafshee , hasa ahaatee waxaan kugula talin lahyn inaad ku dadaashid Caafimahadkaaga ood aadid Goobaha caafimahadka ee Dhaqaatiirta.

Caafimahadku waa shey qaali ah waxaan wanaagsan inaad waqti ku bixisid , haka cabsan hana qarsan cudurkaan waana mustaqbalkaaga oo cirbadi ku taagantahay , Xaaskaaga ood qancin weysaa waxay sababi kartaa Daciifnimo noloshaada soo wajahdaa.

Hadaba Labo qodob ayaan isleeyahay si kumeel gaar ah waad isaga daweyn kartaa Biya baxa dega dega ah ee waqtiga Kulanka Sariirta , waa inaad Maankaaga ka bixisaa Dhadhanka & Macaanida Raaxada hana niyeeysan inaad soo afjari rabtid Dheesha oo is hilmaamsii ineey kaa imaan rabaan.

Tan kale waa inaad ku dadaashaa badsataana cunista Qudaarta nuucyadeeda kala duwan , cabitaanada Nafaqada leh , maskaxdaada u badi nasiinada , hana sameyn Kulanka Ciyaarta waqti calooshaadu buuxdo oo waxey keeni kartaa inaad sahal kusoo jarto Ciyaarta.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved