Haweenka u dhashay Dalka Swaziland ayaa gebi ahaanba laga mamnuucay xirashada goonooyinka gaagaaban iyo dhurka kale ee jirkooda muujinaya ayadoo go`aankaana ay dowladu sheegtay in ay u qaadatay si loo yareeyo ama loo xadido kufsiga oo inta badan ay keento dumarka oo jirkooda raga ku ilxaaxiya.
Ciidamada booliska oo ah halka dale e afrika kaga dhaqma nidaamka boqortooyada ayaa arinkaan ku soo rogay haweenka u dhashay Dalkaasi ayadoo lagu wargeliyay in talaabo sharci ah oo lagu mudaysan karo xarig ay ku qaadi doonaan cidii u hogaansami wayda amarka lagu soo rogay ooo ay ay ciqaab mutaysan doonaan cidii lagu arkaa ayadoo wadata dharkaa la mamnuucay .
Booliska ayaa xabsiyada geyaya dumar dhalin yaro ah oo ay ku adkaatay fulinta arinkaan looga mamnuucay dharka gaagaaban .
Dalaka Swaziland ayaa waxaa ka jiray kufsi aad u farabadan oo ay dumarka u dhashay dalkaasi la kulmaan inta badan ayaa hada dowladu doonaysaa in ay ku xadido qaabkaan cusub oo ay dumarka uga mamnuucday dharka gaagaaban iyo nuc kasta oo haweenka soo muujinay jirkooda.
Afayeen u hadlay ciidamada booliiska dalkaasi ayaa sheegay in dharkaasi uu fududaynaayo in ay ragu u hawoodaan dumarka waxaa sidoo kale fudud in laga furo dharka ayuu yiri afayeenka.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment