Maxkamadeynta rag kufsi lagu eedeeyey oo ka bilaabatay dalka India.

Monday, 21 January 20130 comments





Waxaa maanta dalka Hindiya ka bilaabatay maxkamadeynta 6 nin oo loo heysto inay kufsi u geysteen gabar 23 sano jir ah, bishii lasoo dhaafay, gabadhaasi oo u dhimatay dhaawacyadii soo gaaray.

Falkan kufsiga ah ayaa si weyn u sameeyey dalka Hindiya, iyadoo mudaharaadyo rabshado wata oo looga soo horjeedo falalka noocaan ah ay shacabku dhigeen, isla markaana ay khasaaro dhimasho iyo dhaawaclehba ay kasoo gaareen ciidamada Hindiya.

Shacabka dalka Hindiya oo sanadihii lasoo dhaafay si weyn uga cabanayey falalka Kufsiga ah ee ka dhaca gudaha dalka Hindiya ayaa codsanaya in dil lagu xukumo lixda nin ee loo heysto falkii loo geystay gabadhii 23 sano jirka ahayd.


Maxkamad khaas ah oo arrintan loo saaray ayaa maanta dhageysan doonta dacwadaha lagu soo oogayo 5 kamid ah eedaysanayaasha, halka ninka lixaad oo la sheegay inuusan weli qaan gaarin loo gudbiyey maxkamada dhalinyarada.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved