Jahwareerka Guurka Waayahan Danbe.(Qeybtii 1-aad)

Monday, 21 January 20130 comments







Asalaamu calaykum waraxmatullahi wabarakatuhu.

Bismilaaah:
Magaca Eebe yaan ku Bilaabay ee naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista,nabad galyo  iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabigena mustafa calayhi salaatu wasalaam:

Waxaa  waayadan danbe aad u so badanaya Rag & Dumar isu faanaya oo midba ka kale ku doodayo Raggaa idinka fiican ama Dumarkaa idinka fiican cid xaqiiqada ka hadlaysa Rag & Dumar arki maysid. raggina dumarki hor boodayaan waxad moodaa inuuba ka lumay dariiqii loo  mari jirey guurka ama habkeey u wada dhaqmi lahayeen ama u wada Hasaawi lahayeen.Waxad arkeysaa Niman& Gabdho ku odhanaya Iam looking for the right person, waxaa dhici karta dadkan sidan u hadlaya ayba ka ag dhowdahay Ninkay &Gabadhuu raadinayay balse aanba garanaynin qaabka wax loo raadiyo iyo wadadi loo mari lahaa.waxaadba mooda inay ka indho la' yihiin sababtuna waxay tahay guurka oon loo marin sidi illaahay iyo Rasulkisa scw ina fareen.

        
Talo ku socota  gabadhaha calaf doonka ah haday ku anfacdo raac insha Allaah.

1- Gabadhyahay iska ilaali khayaanada iyo beenta waxaad ka dhaxlaysaa nabsiye daacad noqo mustaqbalkaga ha iskaga ciyaarin sharaftaada ilaali ha noqon sida gabdhaha qaar ku oranaya 100 kula sheekeysta midna waa ka guursataa, gabadha uma fiicna inay ragg badan la socoto iskana dhaadhiciso maahmaaha jahliga ah,sharaftadaa uma fiican gabadhyahay daacad u noqo wiilka aad la socoto isagana ku ekow hadii aadan ku qanacsanayn ha lugoynin ee runta u sheeg waligaa iska ilaali inaad wiil jeceyl ku abuurto gadaashiisana ragg kale kala  socoto.

2- Waligaa iska ilaali wiilkaad wada socotaan inaad  guri isku kaliyeysataan sow ma ogid gabadhyahay in sheydaanku cadowgaaga yahay waxuu ku dadaalaa inuu ku fitneeyo oo aad  xaaraan ku dhacdo illaahay waa  inoo sheegey in shaydaan cadowgeena yahay hadii aad jecleysato inaad guri aan ehelkaaga aheyn kula sheekeysato  wiilkaa wada socotaan ee mustaqbalka iska rabtaan  kaxayso gabadh aad ku kalsoon tahay oo dhowrsoon waligaa guri kali ha kula noqon hana ka yeelin haduu ku yidhaa wiil baan  soo kaxaysan   haka yelin ee adiguna gabadh kaxays.

3- Ma rabtaa inaad hesho lamaano kuu  qalma kuna wada noolataan  mustaqbal caafimad qaba oo farxad iyo reyn reyn  abidkiin inta cimrigina idinka  hadhsan?Taasi jawabteedu waa haa gabadh walba mustaqbal fican inay hesho ayey rajaysaa, hadaba ka saacid aduun iyo lacag iyo taash aroos lagaga tumo hotelki heblayo ama heblayo adna lagaga tumo ku dadaal inaad raadsato nin akhyaar ah diin iyo akhlaaq leh ka mid noqo gabadhaha uu Rasulka SCW dhahay midba tay ka meher yar tahay ayey ka ajir  badan tahay yaan lagaa  badin oo lagaaga horeyn  khayrkaa.

4- Waxaad jeceshay inaad la kulanto nin fiican oo ku dhaqda Akhlaaq,diin, naxaris leh, oo ku saacida adiga iyo caruurtaada  baahidiinana  idinka aradtira, ogsonow inuu ninkuna kula mid yahay oo uu rabo gabadh diin iyo akhlaaq  leh oo raaliyo ah.Hadaba ku dadaal inaad adiguna  raaliyo noqoto.

5- Ma jeceshay ninkaagu inuu ku jeclaado?Waxan filaya su'aashani jawabteeda in dumar badan ku adkaanayso mid illaahay u naxaristay mahee.Ma rabta inaad ninkaga is jecleysiso ama isaguba ku jeclaado!!hadaba jecloow waalidkiis  isaga ku jeclaane tus saygaaga in waalidkiiis waalidkaa oo kale kuu yihiin sidaad waalidka u jeceshay iyagana u jeceshay la saaxiib sodohdaa telefon u dir la sheekeyso la tasho   2 week mar u tag ku dheh saygaaga inaad  u soocoto maanta  guriga maamadiisa ,u gee hadiyad  tay u jeceshay kasbo qalbigeeda marmar  wac oo la tasho la sheekeyso saaxiib ka dhigo iyo hooyadaada labaad, waxa hubanti ah in saygaagu kaa jeclaanayo dumarka dunida korkisa saaran oo dhan, waalidkiis markuu ka maqlo amaantaada oo dhagahisa ka badato amaantaadu marka gabar yahay dadaal.

Bal Qisadani  laga so wariyeey  Nabi Ibrahiim C.S.iyo inankiisa  Ismacil C.S.Dhuux Waxay qisadani ku tusinaysaa gabadha  ninka waalidkiis marwalba ka ashtakoota  ee cabashada badan inuu khatar u  tahay   in reerkeedu ka burburo  gabadha  saalixada ah waa mid samir iyo dulqad badan muujisa xataa  haday waalidkisu si kasta u dulminayaan  waa mida ninkeeda  adeecda waalidkisna  u amaanta inankooda, gabadha  saalixada  wanaag oo dhan inay ninkeeda  iyo waalidkisa kula dhaqanto lagu yaqaan.Qoralkaa ila fogaaday ee  Qisadi waa tane bal ila dhuux.

Nabi Ibrahiim  C.S. ayaa  so booqday inankisii Ismaacil u ku yidhi xaaskisii xaalkiina iga waran markaaseey  ku tidhi xaalkayagu waa  liitaa Ismacil C.S.Wuxu ku maqan yahay ugaadhsi,wuxu ku yidhi waxad ku tidhaa marku  yimaado iska badal albaabkaaga kaabadiisa marki Ismacil C.S.yimid  ayey ku tidhi waxaa i yimid nin weyn oo ciro leh waxuu igu yidhi waxad ku tidha marku Ismacil C.S.Yimado albaabkaaga  kaabadiisa  iska badal,markasu ku yidhi waxuu aha aabahay waxuu i farey in aan ku furo ee orodo iska tag waa aan ku furay,sababtu u furey  waxay aheyd sidan kor kuso sheegeyba way u cabaaday, muddo ka dib ayuu  uso noqday Nabi Ibrahiim C.S. inankisi Ismacil C.S.Markii uu guursaday gabadh kale sidi oo kale ayuu ku yidhi iga waran xaaladiina markaseey ku tidhi alxamdulilaah waanu ficanahay,markas ayuu  u faray inuu kaabada albaabkiisa  adkeysto oo macnaheedu yahay(ha iska furin).Nabigenu SCW waxuu yiri ninka hela gabadh saalixad ah inuu helay nicmadi aduunka....Gabadh kasta iyada garan siday isku jecleysiin laheyd  saygeeda iyo waalidkisa  waa adiga iyo dadaalkaa somali hore u tidhi hadal la kala odhan og illahaayna la kala baryi og.

Talo yar ayaan waaliidka siinayaa.

Gabadhaha muslimaadka ah ee  wanaagsan ee cafiifadaha  ah laguma dari karo Niman faasiqiin ah, Waxan waalidiinta gabdhaha dhalay kula talin lahaa in gabadhooda ka eegaan ninkay ku darayaan oo aydaan ku xidhin maal iyo qabiil ee ninka idinka soo doonta gabadhina xaga diinta iyo akhlaqdiisa iyo ehelkiisa laga eego,Waalidiinta qaar ayaa gabadhooda yar haduu  kasoo doonto wiil u qalma oo akhyaar ah diin iyo akhlaaq leh laakin faqri ah ama qabiil la yaso kasoo jeeda u diida haseyeeshe hadu oday cajuus  ah oo 10 , 20 sano ka weyn maalqabeena ah soo doonto hore laga sinayo gabadhoodii mustaqbalkeedii  ayey kaga ciyareen amaanadi illahaayna way dayaceen. gabadha maal iyo aduunyo dhamanaysa ayeey ku qimeeyeen gabadhoodii yareyd mustaqbalki ayaatinkeeda ayey ka burburiyeen, waxad kaloo  arkeysaa waalid gabadhooda  nin qaraabada  ahoo aanay jecleyn ku qasbaya ama qabiil ahaan u siinaya , illaahay Swt haka baqaan waalidiinta gabadhooda  yar siinaya ragg aan  u qalmin, waalidinta waxaan leeyahay gabadhihina u guuriya Niman ay u qalmaan idinkoo wadadi Rasulka SCW raacaya taasoo  liibaan aduun iyo akhiro idin ah, Wuxu yiri Rasulkena SCW"U guuriya haduu  idin yimaado Axad Diintisa iyo Akhlaaqdisa raali laga yahay..Waxa kaloo jira xadiis laga so wariyey Nucmaan Ibnu Bashir :In aabihi uu Nabiga u yimdi oo uu ku yiri'' wiilkeygaan waxaan u hadiyeeyey adoon aan lahaa.Nabigu wuxuu ku yiri''Caruurtaada oo dhan asaga oo kale ma siisay?Wuxu ku yiri maya,Nabigu csw wuxu  yiri ka celi.Riwaayad kale waxay ahayd inuu yiri''Illaahay swt  ka cabsada oo caruurtina u cadalaad  fala.Riwaayo kale waxay aheyd in Nabigu scw yiri''haddaba markhaati ha iga dhigan anigu dulmi markhaati ka noqon maayee.Hadaba hooyooyinka xadiiskan  inuu  anfaci ayaan rajayni oo caruurtooda u cadaalad  falaan waxayna raali ku aheyna ku qasbin,  gabadhihiina  haka dhigina sidi alaab la xaraashayo camal oo kale illaahay ha laga baqo oo yaanan dulmi laga galin gabadhaha yaryar mustaqbalkooda  iyo aayatiinkooda lagaga ciyaarin.Ha iloobina  waalidinoow marka aad dhimataan in labo la idinka xisaabinayo marka qabriga  la idin dhigo  1-Camalkiina,2-Caruurtiina.

Wixi qalad eed ku aragtaan waxay ka ahaatay nafteyda iyo shaydaan wixii aan saxayna illaahay  ayaa i waafajiyey oo aan ugu mahad naqayaa alxamdulilahi rabill calaamiin.

 La soco qaybaha kale ee maqaalka inshaAllah.

WQ: Zainab Maxamed

khadijahome
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved