Hooyooyinka singel motherka ee dalkaas Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay inuu waqtigoodii uu dhamaaday oo mar dhow la weyn doono nin iyo xaaskiisa oo kala nool dalkaas ingiriiska ka dib markii uu dalkaas uu dhawaantaan ka dhaqan geli doono sharci cusub.
Bisha April ee sanadkaan ayaa waxaa la filaayaa in dalkaas uu ka dhaqan galo sharci cusub oo lagu dhimaayo ceyrta ay qaataan Soomaalida ku nool dalkaas Ingiriiska taas oo ay tahay inay Soomaalidu shaqeystaan hadii ay doonayaan inay ku noolaadaan nolosha ay ku noolaayeen intaan ceyrta laga jarin, hadaba dadka Soomaalida oo qaar badan ay soo dhaweeyeen arintaas ayaa sheegay inay tani ay horseedi doonto in ay meesha ka baxdo raga iyo dumarka is qabay ee kala noolaa iyadoona ay ragu hada ka dib noqon doonaan aabayaal sharaf leh oo u shaqeeya reerkooda iyo caruurtooda islamarkaana ka qeyn qaata korinta iyo bar baarinta caruurtooda oo ay markii hore waxba kala socon maadaama lagu kala tegay dhaqaale.
Ugu dambeyntiina iyadoo Soomaali badan oo ku nool dalkaas Ingiriiska ay wel wel ka muujiyeen waxa dhici doono wixii k adambeeya bisha April ee sanadkaan markaas oo uu dhaqan geli doono sharcigaas lagu dhimaayo lacagta ceyrta ah ayaa qaar badan oo ka mid Soomaalidaas ay soo dhaweeyeen arintaas iyagoona u mahad celiyeye dowlada iyo raysalwasaaraha dalkaas Ingiriiska oo ayna ku sheegeen inay xal u heleen kala noolaashihii soo jirey waligiis ee ay ku noolaayeen qoysas badan oo Soomaaliyeed oo ku nool dalkaas Ingiriiska.
Daawo Muuqaal Ahaan Barnaamijka Calool Xanuunka Keenay
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment