Howlgal lagu raafay arday laba boqol ka badan oo laga sameeyay Muqdisho subaxnimadii hore ee saaka.
Ciidamada Nabadsugidda Soomaaliya ayaa subaxnimadii hore ee saaka waxa ay ku jarmaadeen qeybo kamid ah degmada Wadajir ee gobalka Banaadir halkaasi oo ay waliba guryaha qaar gelayeen iyaga oo dad kasoo qab qabanayay.
Howl-galkaasi oo ka dhacay xaafadaha Jiira Miskiin iyo Buula xuubey ayaa waxa uu bilaawday xilliga shacabku ay u kala huleelaan shaqadooda halka ardaduna ay aadan goobaha ay cilimiga ka kororsadaan.
Wariyasha kusugan xaafadahaasi ayaa waxa ay sheegeen in dadka laqabtay ay u badanyihiin arday isugu jira heer waliba kuwaas oo xilliyadii laraafayay u jiheesnaa goobahooda wax barasho.
Saraakiisha howlgalka wada ayaa waxa ay sheegeen in aysan wax dhibaata ah u geysan doonin dadkaan hasa yeeshe ay baarayaan xaladooda kadib marka ay geeyaan xarunta nabad sugidda.
Arintaan lagu raafayo ardaya ayaa waxaa walaac ka muujiyay waalidiinta dhalay caruutraan wax barashada u heellanaa oo wax barasahdoodii hakadka lagelinayo, waxa ayna ugu baaqeen dowlada Soomaaliya in ay il gaar ah u lahaato ubaxa dalka.
Raafkaan ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo shalay degmada Hiliwaa ee cirifka Bari ee gobalka Banaadir laga soo qab qabtay dad kudahw 500 oo ruux.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment