Ku dhawaad kala badh dadka ka mid ah ayaa ku guul darraysta inay go?ooda iska beddelaan, balse arrintan cilmi-baadhis cusub oo ay soo saareen khubaro Ingiiris ah ayaasheegay in laga qaado cudurro badan oo ay ka mid yihiin xiiqda iyoneef qabatinka.
Khubaradan oo sarfeey ka qaaday 2000 qof oo ku nool dalka Ingiriisk ayaa ogaaday in kala badh dadku aybadana ku seexdaan gogol amma go?yaal aan nadiif ahayn,
arrintaasina ay sababto cudurro ku dhaca neef-mareenka. Cilmi-badhayaashan ayaa wargeyska Mailonline u sheegay;?Inaad sariir nadiif ah ku seexato ee aad go?aagana iska beddesho waxa kuu badbaadaya hab-dhiska neef mareenkaaga, qaar badan oo inaga mid ah waxay noloshooda ku lumiyaan inay ku seexdaan go?yaal aan nadiif ahayn, taasoo maalin kasta kumanaan unug oo maqaar keena ka mid ah ku dataan, isla markaana dhib u keenta hab-dhiska dheef mareenka oo qofku ka qaadi karo neef-qabatin amma xiiq.?
Khuradan waxay intaas ku dareen ingogosha wakhasda ah dadku ka qadaan cuncunka jidhka ku dhaca, sidoo kalena dadka badana ka cabanaya neef mareenadu inay arrintaas ka qaadeen goobahay seexdaan oo aan nadiif ahayn. Si aynu u yarayn dhibaatadan uu dhasku inagu sababo waxaannu si xirfad lehe u soo jeedinayna inay dadku badana iska nadiifiyaan go?yaashooda amma meelahay seexanayaan, gaar ahaan dadka xiiqdu haysaa waa inay go?yaashooda maalin kasta nadiifiyaan amma toddobaadkii labajeer iska maydhaan,? ayaa cilmi-baadhistan lagu soo gababeeyey. Wariye Ibraahim Khadar Sa´ed.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment