Daqiiqado kahor ayaa gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dagaal waqti kooban socday oo dhex maray ciidamo kawada tirsan dowlada Soomaaliya, kaas oo sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay bartamaha Suuqa gaar ahaan Dahablaha, Suuqa Sarifka iyo Xaaji Cali Dheere, waxaana lasheegayaa in haweenta ku dhimatay dagaalka ay Xarun Shoping-ka lagu iibiyo ay kulaheyd Suuqa Dahabka.
Lama sheegin qasaraha soo kala gaaray dhinacyadii diritu u dhexeysay iyada oo intii rasasatu socotay Suuqu uu isu bedelay goob colaadeed, waxaana goob joogayaashu sheegayaann in xaladu ay xiligaan degantahay oo dhaq dhaqaaaqii uu caadi kusoo laabtay.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment