Xuseen Carab iYo Sihaan Suusuu |
Heestaan Cusub fanaanka Xuseen Carab, Waxaa la jilayay gabar aad u yar oo magaceeda lagu sheegay Sihaam taas oo inta badan fanaanka uu dhaxda ka qabsanayay gabadha aadka uga yar ee sida ka muuqata wajigeeda xiisaynayso fanka.
Xuseen carab ayaa sanadii hore hees sidaan oo kale la soo jishay gabar aad u yareed taas isku jajabinaysay sida atariishooyinka jila filimaanta hindiga ay xiisayaan qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.
Fanaanka Xuseen Carab ayaa horay u ahaa Atoore jilo aflaanta loo ekaysiiyay filimaanta hindiga oo ka soo bixi jiray studio Alfaghi oo ku yaalay magaalada muqdisho gaar ahaan xafada Xamar weyne.
Sido kale Xuseen Carab ayaa markii danbe guursaday Fananada Nimco Xasan waxuuna ahaa markaas musigiiste musiga u tuma fananada Nimco Xasan oo hadda ku nool magaalada Muqdisho.
Xuseen carab hadda waa fanaan inta badan qaada heeso leh laxanka heesha hindiga ,waxuuna inta badan ku soo jiita gabdhaha yaryar ee jacel aflaanta hindiga ee lagu fasiro Afsoomaaliga.
Halkaan Ka Daawo Heesta Iyo Gabadha Yar
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment