War Deg Deg Ah Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamada Huwanta ah iyo kuwa Al-Shabaab oo goordhaw Qarxay

Sunday 6 January 20130 comments



Waxaa Goordhaw Dagaal aad u culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay wehliyaan kuwa Itoobiya iyo Xarakada Al-Shabaab oo goordhaw ka qarxay Duleedka Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Dagaalka oo ah mid aad u culus oo la is weedaarsanayo Hub aad u culus ayaa xiligan kasoconaya Deegaanka Meykaarabe oo Qiyaastii 7 –km u jirta Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo dhawaan Tababaro ciidan kusoo qaatay Dalka Itoobiya iyo Ciidamo Itoobiyaan ah ay ka dhaqaaqeen Degmada Garbahaarey balse dagaal aysan fileen uu ku qabsaday Deegaanka uu hada Dagaalku kasoconayo.

Dadka Deegaanka ayaa kusoo waramaya in Hugunka Madaafiicda si weyn looga maqlayo goobta uu hada Dagaalku kasoconayo halkaasna ay labada dhinac si weyn ugu dagaalamayaan.

Iyaad Cabdi Kaliil oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo Goordhaw Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dagaalaa uu goordhaw Qarxay uuna ka dambeeyay kadib markii ay Howl gal qaadeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya.


Sargaalkan ayaa xusay in Dagaalku Wali Soconayo ayna Jab xoogan gaarsiiyeen Dagaalyahanada Al-Shabaab mxaabiis bad qaba iyo kuwa dhawaca ahna ay ka hayana Howlgalada ay ku baacsanayaan uu wali soconayo.

Al-Shabaab dhankooda Wali Wax war ah kama aysan soo saarin Dagaalkan hada soconaya ,waxa uuna Dagaalkan imaanaya xili Shalay galankii dambe Dagaal kan lamid ah aadna u xooganaa uu ka dhacay Deegaano u dhaxeeya Degmooyinka Luuq iyo Buur Dhuubo.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved