Wadahadalkii Soomaliland iyo Federaalka oo furamaya iyo Somaliland oo shuruud ku xirtay

Sunday 13 January 20130 comments







Waxaa lagu wadaa in dhawaan dib loo furo wadahaladii dhexmarayey Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland, kaasi oo hakad galay bartamihii sanadkii lasoo dhaafay kahor doorashadii ka dhacday Muqdisho ee lagu soo doortay Madaxweynaha cusub ee dowlada Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Cabdullahi Cumar oo shalay wareysi siiyey Warbaahinta Soomaaliland kadib markii uu safar dib uga soo noqday dalka Ingiriiska oo uu ku maqnaa todobaadyadii lasoo dhaafay.

Maxamed Cabdullahi Cumar ayaa sheegay in safarkiisa uu salka ku hayey kulan dhexmaray dhankooda iyo dowlada Ingiriiska, wuxuuna sheegay inuu lasoo kulmay Wasiirka horumarinta Afrika u qaabilsan Ingiriiska.

Wuxuu sheegay kulankii la yeeshay dowlada Ingiriiska ayey uga hadleen deeqda Ingiriiska siiyo Soomaaliland, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliland. Wuxuuna sheegay in Dowlada Ingiriiska ay kaalin muhiim ah ka qaadaneyso sidii dib loogu furi lahaa wadahadalkii u dhaxeeyey Somaliland iyo dowlada Federaalka, wuxuuse sheegay in dib u furida wadahadalkaasi wakhtiga ay dhici doonta iyo goobta ay ku xiran tahay inay labada dhinac ee Federaalka Soomaaliya iyo Soomaliland ay ku heshiiyaan.

 Shuruuda Soomaaliland

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliland ayaa sheegay in wadahadalka u dhaxeeya Federaalka iyo Soomaaliland ay ku xiran tahay shuruud ah inaysan marnaba miiska wadahadalka aysan la fariisan doonin Wax wasiiro ah oo kasoo jeeda deegaanka Soomaaliland.

Wuxuu sheegay in shirarkii hore ee ka dhacay Ingiriiska iyo Imaaraadka ay kasoo baxeen qaabkii ay u wada hadli lahaayeen isla markaana ay horey shirarkaasi ugu cadeysay inaysan marnaba ogoleyn inay la fariistaan xubno Soomaaliland kasoo jeeda oo dhinaca Federaalka shirarkaasi uga qeyb gala, asagoo intaasi raaciyey inaan marnaba dib arrintaasi loogu noqon doonin oo aysan dood danbe ka yeelan doonin.

Wasiirka Soomaaliland ayaa xiligii uu ku sugnaa Ingiriiska waxaa sidoo kale halkaasi booqasho ku tagay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dowlada Federaalka Fowsiya Yusuf oo Dowlada Ingiriiska kala kulantay soo dhaweyn heer sare ah, isla markaana kulamo la yeelatay Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalkaasi Mr.Willam Hague.

Maamulka Soomaliland oo horey xiriir dhaw lalahaa Dowlada Ingiriiska ayaa xiligan walaac weyn ka qaba aqoonsiga dheeraadka ah ee Xukuumada Ingiriiska u heyso Dowlada Federaalka Soomaaliya oo markii ugu horeysay loo aqoonsaday mid aan kumeel gaar ahayn oo rasmi ah. Dowlada Ingiriiska ayaa sidoo kale sheegtay inay dib u furaneyso Safaaradii ay Muqdisho ku lahayd, iyadoo xiligan ay socdaan dadaal dib loogu furayo Safaaradii Soomaaliya ee magaalada London.
Tababarahii  Hore kooxda  Barcelona ayaa doonaya inuu macalin u noqdo kooxda  Manchester City Xili Ciyaareedka Soo Socda Guardiola ayaa dareemaya inay noqon  karaan kuwa la Tartama Kooxdiisii Hore Barcelona.

Isbuucii hore ayuu Guardiola Xaqiijiyay inuu diyaar u yahay ku soo Naqashada shaqada Macalinimada Xagaagan ka dib 1 Sano oo uu Nasanayay.

Guardiola waxuu sheegay sanadkaan waxaa ku soo labanaa garoomada waxaana rajeynaa inaa ku soo laabto xagga garoomada hada waxaa rajo fiican ka qabto kooxda Man.City.

Saxaafada dalka Spain ayaa badanaa shaaciyeen Guardiola ayaa lagu soo waramayaa 100% Guardiola inuu aadayo Kooxda Man.City Xagaaga.

Mancini ayay Muuqataa inuu sii Galayo Mugdi Ka dib Markii uu ku Fashilmay Champions League Laba Campaign.

Guradiola ayaa Naqan doona Macalinka ugu Mushaarada badan Britain £10m Sanadkii.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved