Top Sir: Gabaryaheey mala socotaa xiliyada uu damco ninkaaga in uu kula guursado naag kale

Sunday 6 January 20130 comments


(C)floridadestinationbeachwedding.

Shaki kama taagno in  ninkasta uu maskaxda ku hayo mar uun in uu guursan doono xaas 2aad, halka dalalka aan islaamka aheen ninka loo ogol yahay in uu sameestogirlfriend taas oo la macnaha si dad badan in uu ninka leeyahay xaas 2aad.

waa su'aal waa xiliyadee xiliga uu ninkaaga ku fakiro in uu kula guursado naag kale, mase maku fakirtay waxyaabaha suurta galka ah een kuu soo wadno, hadaba maanta Hablaha.com(HNM) wuxuu idin wadaa xiliga uu ninkaaga damci karo qof kale oo dumar ah.

1. Xiliga Caadada (xeydhka)

Ragga qaar ayaa ah kuwa dareenkooda aan xakameen karin jecel in markasta ay heleen hoosha kala dhexeysa naagtiisa, ragga qaar ayaa ku fikira kala go'a ku yimid arinta in ay muhiim tahay in uu raadiyo qof kale isaga oo ka fikiraya dareenkiisa, dhacdadaan ayee qabsataa dumarka bil gudaheed 2 mar ku dhaca xeydhka ama mida xeydhkuudu uu gaaro isbuuc



2. Xiliga Uurka (Xaamilada)

In badan oo ka tirsan ragga ayaa aaminsan in ay naag uur leh aysan ka haboooneen utagis iyo u dhawaasho, waqtiga uurka oo ah mudo bilooyin ah iyo dhalmada oo maalmaha ayaa ragga qaar ku fikiraan in ay guursadaan qof kale



3. Xiliga aad dhalmo dhigto (da'daada waynaato)

Cadaadis wuxuu uga yimaadaa ninka dhanka bulshada isaga lagu dhaho waxaad ag fadhidaa qof dhalmada ka dhamaatay waxaana lagula taliyaa in uu guursado gabar yar, taladaas markii dambe noqota in uu meel mariyo ninkaaga talooyinka la siiyay



4. Shaki ama dabeecad xumo

Adiga oo la daba kaca ninkaaga shaki iyo waxyaabo isaga aad cadaadis ku saareeo ayaa marka dambe keenta in uu ninkaaga ku fakiro in hadii uu naag qabin xitaa sidaa markasta looga shakiye wuxuuna ku fikiraa laba joorba ma eed la aan doontid iska guurso.

5. Adiga oo aadan is qurxin

Is qurxinta waa u muhiim dumarka, waana waxa soo saara heebada ay leeyihiin, indhaha ninkaaga maalinkii wuxuu qaban karaa dumar badan oo isaga soo jiita taas oo marka dambe adiga (naagta laqabao) uu arko mid aan laheen hore usocod, dadka ku xeel dheer arimaha labiska ayaa sheegay in dumarka joog teeya labiska ay yihiin kuwa inta badan la soo xasuusto.

W/Q: Daalac Daahir Shoot

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved