R/wasaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) ayaa maanta waxa uu socdaal uga baxay caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho waxa uuna socdaal ku gaaray gobalka Sh. Hoose.
Saacid ayaa socdaalkiisa oo ahaa kii ugu horeeyay ee uu uga boxo Muqdisho tan iyo markii lamagacaabay ayaa sidoo kale waxa uu socdalkiisu ahaa kii ugu horeeyay ee Afgooye uu kutago muda sodon sano ahaa.
Gudoomiyaha gobalka Sh. hoose ayaa waxa uu sheegay in uu Afgooye oo dhacda Bariga Sh. hoose in R/ wasaaruhu uu kula kulmay odayaasha dhaqanka, kuwaas oo dhibaatooyinka ay qabaanna u bandhigay wasiirka koowaad ee dalka.
R/wasaaraha ayaa waxa uu sheegay odayaasha dhaqanka in arintooda wax badan laga qaban doono, arintaas oo odayaashuna soo dhaweeyeen.
Afgooye ayaa waxa ay kamid tahay meelaha ugu badan oo dhibaatooyinka bini aadninimada kadhanka ah, halkaasi oo dhibaatada ay ka geestaan ciidamada dowlada Soomaaliya.
Socdaalka Wasiirka koowaad ee dalka ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee uu uga boxo xeyndaabka gobalka Banaadir tan iyo markii sanadkii hore loo xulay in uu noqdo R,wasaarihii ugu horeeyay ee xukuumada Federalka Soomaaliya.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment