Ninkeyga wuxuu ii furay markii aan dhahay sigaarka iska dhaaf

Saturday 5 January 20130 comments



Aan ku bilaawnee qormadeena xaaskaaga iyo balwadaada kee dooran laheed?
Nin Soomaali ah oo leh balwada sigaarka ayaa xaaskiisa ku faray kadib markii ay ka codsatay in uu sigaarka iska dhaafo, ninkaan ayaa naagtiisa war galiyay in sigaar cabista uusan iska dhaafi Karin wuxuu ku andacooday in sigaar cabista ay kamid noqotay qeyb noloshiisa kamid ah.

Naagta la furay ayaa waxaa cadaadis uga imaanayay faamilkeeda iyada oo markasta lagu dhaho ninkaaga balwad ayuu leeyahay, cadaadis ka saarnaa dhanka faamiilkeeda ayee iyadane cadaadis sii saartay, ninkaan


ayaa u dulqaadan waaayay cadaadiska xaaskiisa wuxuuna u sheegay in uusan iska dhaafi Karin sigaar cabista wuxuuna war galiyay in uu iyada iska furo.

Sigaar cabista dhaqanka Soomaaliya wuxuu ka yahay wax aan lagu tix galin ama qofka caba laga aamino wax yaabo xun xun iyada la aaminin.

Waa mid kamid ah furiimaha ugu yaabka badnaa ee dhaca sanadkaan cusub bilaawgiisa, waana wax layaab in nin uu balwadiisa ka dooorto xaaskiisa.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved