Nin U Dhashay Dalka Imaraadka Carabta Oo Xabsi Ku Muteystay Haween Uu 0nline-ka Ku Bartay.Sababtu Maxay tahay

Sunday 20 January 20130 comments






Nin u dhashay dalka Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa waxa la soo taagay Maxkmad ku taalla magaalladda Dubai, kadib, markii lagu helay inuu dhacay Haweeney u dhalatay dalka Yukrayn, taasi oo uu ku bartay Khadka 0nline-ka.

Wargeyska ‘Gulf News’ ee ka soo baxa dalka Imaaraadka, ayaa qoray sheekadaasi, iyadoo Ninka iyo haweeneydaasi ku ballameen inuu ugu yimaado Qolka ay ka deggan tahay Hotelka Five Star ee waddada Sheekh Zayed.

Ninka oo magaciisa lagu soo koobay I.M. ayaa Haweeneydaasi ku bartay Barta Website-ka Badoo ee ay Bulshadda ku wada sheekeystaan, wuxuuna u ballanqaaday haddii la
galmoodo inuu siinayo lacag dhan1.500 Dirham, waxayna Haweneydaasi oggolaatay arrintaasi iyadoo kula ballantay Hotelka ay deggnayd.

Ninka markii uu Haweeneyda ugu yimid Qolkeeda ayuu waxa uu jabiyey koobkii uu wax ku cabayey, kadibna dhalooyinkii ayuu ku cabsi geliyey, wuxuuna ka boobay Telefoon nooca qaalliga ee iPhone iyo lacag caddaan ah oo dhan 6.000 oo Dirham.

Maxkamadda Heerka Koowaad ee magaalladda Dubai oo ninkaasi la soo taagay ayaa waxay ku xukuntay 6-bilood oo xabsi ah

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved