Madaxweyne ka Qosliyey Shacabka Soomaaliyeed++ (VIDEO )

Friday 11 January 20130 comments




Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Moxamud Calasow ayaa waxaa la sheegay inuu markii ugu horeysay uu ka hadlay qarax lala beegsaday markii ugu horeysay ee uu qabtay xilka madaxweynanimada asagoona sheegay inay madaxda Soomaalida ay miisaska hoostooda galaan cabsi awgeed markey qarax maqlaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Moxamud Calasow oo dhawaantaan u waramaayey Jaaliyada Soomaaliyed ee Kenya ayaa waxaa uu si kaftan ah uu ku jira uga sheekeeyey qarax lala beegsaday maalintii ugu horeysay ee uu la wareegay xilka madaxweynanimada asagoona sheegay inay wixii meesha joogay ee madax iyo wariyayaaal ahaaba ay miisaska hoostooda galeen laakiinse uu asaga meeshiisa ka dhaqaaqin madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in 3 qarax oo isku xigta ay dhaceen laakiinse aysan waxba iska badalin xaaladiisa.

asagoona taas ku macneeyey inaysan ahayn macnaheedu inuusan cabsaneynin laakiinse inay tahay arin ka badatey oo soo noq noqtay oo nolosha ka mid noqtey.
Ugu dambeyntiina iyadoo hees qosol

badan oo cajiib ah laga sameeyey sheekada madaxweynaha oo markii uu tilmaamaayey sidii qaraxa u dhacay ku sheegay BUG hadana BUG hadana BUG ayaa sidoo kale waxaa uu madaxweynuhu sheegay inuu ageesinimadiisa uu la yaabay wasiirka arimaha dibada ee dalka Kenya ee waqtigii uu qaraxaas dhacaayey ku sugnaa goobtaas asagoona madaxweynaha u sheegay oo ku yiri adiga maba baqeysid miyaa, taas oo uu madaxweynuhu ugu jawaabay waa nagu bareen sheekadaan oo nolosheeney ka mid noqotey qaraxaas.


HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA OO KU CAJIIB GALINAAYO RIIX HALKAAN





______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved