Lamaane Mudo 50 Sano ah Ku Noolaa Keyn Duur Ah Jaceylkooda Dartii, (Arin La Yaab Badan)

Friday 18 January 20130 comments



Lamaanahaan ayaa Waxa ay Halkaa Ku Noolaayeen Mudo 50 Sano ah Xariirkooda Kadib Markii Reeraha ay Kasoo Jeedaan Ay Isku Diideen In ay Wada aqal galaan oo ay nolosha wada qeyb sadaan.

Reeraha ay kasoo jeedaan ayaa xariirka labadaanei lamaane waxa ay u arkeen in uu caqab ku yahay arimo ayaga ka dhaxeeya waxaana ay gabi,ahaana ay cagta ku dhufteen dalabka lamaanahaan ay ku doonayaan in ay ku wada aqal galaan.


Mudo 10 sano ah ayaa waxa socday xariirka qotoda dheer ee salka ku  haya jaceylka labadaani ruux waxaana ay dagaanaayeen meel tuulo ah oo ku taala duleedka magaalada ay ku noolaayeen marka laga hor yimid dalankooda ayaa waxaa ay go,aan sadeen si aysan u kala fogaan isla markaana jaceylkooda uusan u noqon mid dhicisooba waxa ay go,aan sadeen
in ay ka haajiraan magaalada ay dagan yihiin, lkn nasiibada darada jirta ayaa noqotay inaysan aqoon meel kale oo ay aadaan maadaama noloshooda oo idil ay ku qaateen meel baadiyo ah wax kale oo ay yaaqaana aysan jirin si ayaguna u ciqaabaan waalidiintooda waxa ay go,aan ku gaareen in ay duurka galana halkaa ku dhuuntaan noloshoodana ku dabaraan.


Waxa ay galeen meel keyn weyn ah oo banaanka tuulada ku taala ayadoo noloshooda ku maareyn jiray ugaarta nooc-yayada ay cunaan dadkaa waxaana marka la waayay ay waalidiintooda ka raadiyeen meel walba oo lagu tuhmi karo,si  naftooda un loo helo nolol iyo geeri waase la waayay.


Arinta la yaabka badan ayaa waxaa ay tahay lamaanahan waxa ay halkaaa ku noolaayeen mudo 49 sano ah ayaga oo aan wax na qabsan is guursan caruurna aan dhalin ayadoo ay wataan noloshooda caadiga ah kadib ayey magaaladii ay ka tageen kusoo laabteen halkaa ayaana waxaa loogu dhigay aqal gal aan cadi aheyn,waxaana da,da lamaanahaan ay noqtay 89 sano marka ay aqal galayeen.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved