Madaxweynaha Dalka Mareykanka Barack Obama ayaa Aqalka Cad Ee Dalkaasi kula kulamay Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Iyagoo ka Wada Hadlay Labada Madaxwyane Xaaladda Dalka Soomaaliya iyo Sidoo Dowladda Soomaaliya ee hadda ka Baxday KMG Loogu Ganacsiin Lahaa Waxyaabaha ay u baahantahay
Kulankaas kaddib ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sidoo kulan la qaatay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Mareykanka Hillary Clinton xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka (State Departement) halkaas oo si rasmi ah dowladda Mareykanka u ictiraaftay dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn ugu mahadceliyey dowladda iyo shacabka Mareykanka sida ay u garab taagnaayeen waqtigii ay ummadda Soomaaliyeed ku jirtay dhibaatada daba dheeraatay. Wuxuuna hoosta ka hariiqay in maanta oo ay taariikhdu tahay 17ka bisha January ay tahay maalin taarikh wanaagsan u ah xiriirka dowladda Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya.
Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Dowladda Mareykanka ay Soomaaliya si dhow ula socotay xaaladda dalka Soomaaliya tan iyo markii ay burburtay dowladdii hore ee Soomaaliya, wuxuuna xusay in doorka mareykanka uu yahay mid aan la illoobi karin oo ay dadka Soomaaliyeed xusuusan doonaan. Xiriirka labada dal ee soo jireenka ah ayuu sheegay in uu waa' cusub hadda u billowday kaddib muddo dheer oo ay Soomaaliya dowlad la'aan soo ahayd.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment