Degmada Afgooye ee bariga gobalka Sh. Hoose oo waayahaan hooy u noqotay dhibaatada ragga dharka ciidanka meleteriga Soomaaliya ku labisan ay kuhayaan haweenka Soomaaliyeed ayaa Shalay waxaa kufsi wadareed loogu geestay laba dumar Soomaaliyeed ah.
Kufsigaasi dhacay ayaa waxa uu kusoo aaday xilli gudoomiyaha gobalka Sh. Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur, uu ku sugnaa degmada Afgooye oo durbadiiba ciidan u diray halkii laga soo tebiyay fara xumeynta dumarka, halkaasi oo dagaal kooban uu ku dhex maray ragii dumarka Soomaaliyeed fara xumeeyay iyo qolyihii doonayay in ay soo qab qabtaan.
Israsaaseyntaasi waxaa ku geeriyooday askari kamid ah ciidankii loo diray in ay gacanta ku dhigaan ragii haweenka Soomaaliyeed fara xumeynta u geestay sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha gobalka Mashaqadu ka dhacday.
Dadka kunool dedmada Afgooye iyo deegaanada ku xeeran waxa ay baaq u direen dowlada Soomaaliya si looga qabto ragga haweenkooda, gabdhahooda iyo hooyayalkooda kufsi wadareedka ladaba taagan, waxaana horay u soo baxayay in AMISOM ay ku dhiiraneyso in dadka deegaanka Afgooye qaarkood hubeyso si ay isaga difaacaan Gaangistarada xiran dharka ciidanka Soomaaliya.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa waxa uu sheegay in askarigii lasoo qabto isaga oo kufsi kujira isla goobtaasi lagu toogan doono oo aan lala sugi doonin xukun maxkamadeed.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment