Daawo Sawirada Hablaha Soomaaliyeed oo Buun yeerinaya iyo kuwa waramo ku dabaal degaya.

Friday 4 January 20130 comments



Iyada oo Soomaalidu ay caan ku tahay hida iyo dhaqan ay ku soo bandhigto shucuurteeda ayaa inta badan haweenka iyo raggu waxa ay kala leeyihiin qeybo kala duwan oo ay ciyaarahooda kusoo bandhigaan inkasta oo meelaha qaarna aan lagu kala duwaneyn.

Buunku waxa uu ka dhiganyahay cod baahiye, waxaana inta badan laga isticmaali jiray dhulalka baadiyaha ah, haba u badnaadaano mararka colaadaha oo gurmadka lagu dalban jiray, hasa yeeshee sidoo kale waxaa loo isticmaalaa goobaha gabayada, guuroowga iyo wixii lamid ah laga ciyaarayo.

Waxa uuna buunku u baahanyahay in si xoog ah loo afuufo taas oo dumarka qaabka ay u xamili karaan ay iska yartahay sidaas oo ay tahay ay ku dhiiradaan yeerintiisa.

Markaan haweenku waxa ay buunka yeeriskiisa iyo warmahaba uga qeyb qaadanayaan xaflad muhiim ah oo lagu dhigayo qeybo kamid ah Muqdisho iyada oo ay xasuus mudantahay in aduunyadaan casriga ah ay ka gudubtay xilli Buun loo adeegsado in dagaalada gurmad ahaan leesugu yeeriyo maadaama ay soo bexeen aalado ka casrisan oo wax leesku maqashiiyo.

Buunka hadii aan sii macneyno waa kalax meel laga afuufo leh shanqartiisana meel fog laga maqlo marka layerinayo.










______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved